Muqdisho ( Sh.M.Network)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka xayuubiyay Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan oo ahaa wasiirka Ganacisga iyo warshadaha.

Wasiirka Ganacsiga ayaa xilka laga qaaday iyadoo dhawaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku soo eedeeyeen Musuqmaasuq.

Mr Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa lagu eedeeyay intii uu Wasaaradda maamulayay in Canshuuraha Ganacsatada laga qaado ay si toos ah isaga ugu soo dhaceysay iyadoo aan lagu shubin Bank-ga dowladda dhexe.

Inta badan Masuuliyiinta lagu soo eedeeyo Musuqmaasuqa ayaa xilalka laga qaadaa iyadoo aan la marsiin wax la xisaabtan ah oo ku aadan hantida qaran ee la sheego in  ay lunsadeen.

Hanti dhowrka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xukuumaddii hore ee Cabdiweli Sheekh Axmed Max’ed ku eedeeyay 19 Wasaaradood oo ka mid ahayd Musuqmaasuq kuwaas oo illaa hadda aanu jirin cid kala xisaabtantay ama wax ka soo celisay hantida ay lunsadeen ee lagu eedeeyay.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here