Muqdisho (Sh M Network)—Kooxo hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Xalay Weerar Xoogan waxey ku qaadeen Xarunta Saldhiga Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho,.

Iska horimaad Culus oo saacado qaatay ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Booliska Dowladda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Weerarkaasi lagu Dilay ugu yaraan 3 Ruux ka mid ahaa Dableydii Weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab oo ku aadan in Weerarkaasi looga Dilay Xubno ka tirsan Ururkooda.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here