Baladweyne ( Sh. M. Network)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa xalay Magaalada Baladweyne waxa uu kula kulmay illaa 4 Ugaas oo ku sugan Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Ugaasyada ayuu kala hadlay Madaxweynaha tagista Shirka Jowhar iyo waxyaabaha ay tabanayaan.

Ma Cadda Natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday kulamadaasi balse maanta ayaa sidoo kale la filayaa in uu 4 Ugaas kale kula kulmo Madaxweynaha Bariga Magaalada Baladweyne.

Mid ka mid ah Ugaasyada oo Shabelle qadka Taleefanka ugu warramay ayaa sheegay in Madaxweynaha ay hor dhigeen qodobadii ay u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha oo kale ee ay ka mid yihiin in Shir Nabadeed lagu qabto Baladweyne iyo in Madasha shirka maamul u sameynta labada Gobol loo soo raro Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here