Madaxweyne Xasan Sheekh oo weli ku sugan Baladweyne Isagoo aan la kulmeynin duubabka Dhaqanka

0

Baladweyne ( Sh. M. Network)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa weli ku sugan Magaalada Baladweyne isagoo aan wax kulamo ah la qaadaneynin duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Waxgaradka reer hiiraan ayaa shalay kulanka uga dareeray Madaxweynaha ka gadaal markii ay ka biyo diideen dalabkiisa ku aadan in beel beel uu ula kulmayo.

Baladweyne ayaa shalay waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata oo ay ku dhaawacmeen illaa 3 qof  oo shacab ah.

Inkastoo Madaxda dowladda Federaalka ay isku dayayaan in ay duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ku qanciyaan tagista Shirka Jowhar.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo