Baladweyne ( Sh.M.Network)- Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in Odayasha dhaqanka ee maanta la kulmay Madaxweynaha ay isaga soo dareereen madaasha ay kula kulmayeen Madaxweynaha.

Sida wararka aan ku heleyno Madaxweynaha ayaa Odayasha dhaqanka ka dalbaday in beel beel uu ula kulmo , iyadoona Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu u sheegay madaxweynaha in reer Hiiraan ay isku duuban yihiin si guudna uu ugala hadlo maslaxadooda taas oo dhammaan Odayaasha ay ku raaceen.

Intaas kadib ayaa la sheegay in dhammaan Odayaasha ay isaga soo dareereen Madasha ay kula kulmayeen Madaxweynaha iyadoona laga daba diray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed si uu gogosha ugu soo celiyo Odayaasha.

Hayeeshee Odayaasha ayuu la sheegay in Guddoomiyaha isna ay ku gacan seereen la kulank Madaxweynaha iyaguu u sheegay dabageed in isaga iyo Madaxweynuhuba ay isku mid u yihiin.

Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray Magaalada Baladweyne si uu Odayaasha dhaqanka Gobolkaas ugu soo qanciyo tagista Shirka Jowhar.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here