Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan Oo Beeniyay In Ay Aqbaleen Tagista Jowhar

0

Baladweyne ( Sh.M.Network)-Iyadoo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ee gaaray Magaalada Baladweyne ay sheegeen in waxagaradka ay kala hadleen tagista jowhar ayna soo dhaweeyeen ayaa waxaa arrintaasi beeniyay  Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah wagaradka reer Hiiraan ee la kulmay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa sheegay in kaliya ay ka wada hadleen in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha dega Gobolka Hiiraan.

Wararka ay heleyso Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ay ku kala aragti duwanaadeen qorshaha uu kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan tagista Jowhar.

Mid ka mid ah Ugaasyada Beelaha dega Gobolka Hiiraan ayaa Shabelle u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay ka codsadeen in uu ugu dhawaaqo dib u heshiisiin 3 bilood ah ka hor shirka Jowhar.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo