kulamo Ciidamada Huwanta ah ay Odayaasha dhaqanka kula qaateen Galgaduud

0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Kulamo xasaasi ah oo ay yeesheen Odayaasha , Saraakiisha dowladda iyo kuwa Ciidamada AMISOM ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Wararka aan ka heleyno kulamadaasi ayaa sheegaya in dhinacyadaasi ay iskula gaareen kulamadooda xaqiijinta nabad gelyada deegaanno dhawaan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud oo Shabelle wareysi siiyay ayaa xaqiijiyay in kulamadaasi ay yihiin kuwa looga golleeyahay wada shaqeyn dhexmarta Ciidamada ammaanka iyo shacabka sida uu yiri.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo