Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye oo weli ku adkeysanaya maamul Goboleedka Banaadir cid aan Hawiye ahayn laga qeyb galin doonin

1

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Iyadoo dadka daga gobolka Banaadir rajo weyn ay ka qabaan in loo sameeyo maamul goboleed ayaa Odyaaasha  dhaqanka Beelaha Hawiye weli ku adkeysanayaan in aan wax laga siinin beelaha kale ee aan aheen Hawiye .

Afhayeenka golaha Dhaqanka iyo Midinmimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa hoosta ka xariiqay in aysan suuragal ahayn beelo kasoo jeeda gobollada kale oo qaarkood loo sameeyay maamul goboleedyo hadana in ay saami ku yeeshaan maamul goboleedka lagu wado in laga hirgaliyo gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin hawiye iyo beelaha banaadiriga .

Isagoo sii hadlaya afhayeenka waxa uu dowlada soomaliya uga digay in maamulkaasi sameytiisa ay rajo weyn ka qabaan beelaha Hawiye aysan kusoo siyaadin beelo kale oo aan xaq u laheyn in ay kamid noqdaan maamul ay yeeshan dadka dega Magaalada Muqdisho.

Hadalka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa waxa uu imaanayaa xilli mudooyinkii dambe ay Beelaha Hawiye ay wadeen ololo xoogan oo ku aadan helida Dowlad goboleed laga hir geliyo Gobolka Banaadir .

 

La wadaag

1 COMMENT

  1. af hayeenka beesha hawiye waxaan u sheegeynaa in beelaha is ku magacaabay banaadiriga aysan ahayn dad dhalasho iyo dhaladba aan la ahayn soomaalida+
    , dagaalkii sokeeyana kuligood waxay sheegteen yamaniyiin wixii ka qabsadana way ogyihiin waxayna ku sameeyeen ummada soomaaliyeed jaajuusnimo iyagoo sheegtay carab , talo ahaan waxba yaan laga siin maamulgoboleedka banaadir hadii ay dhacdo in wax laga siiyo ha la siiyo kuwa soomaalida u eg oo madow . waxaan saas u iri waa dad xun oo aan jecleyn dadka soomaalida , warkan ha loo gudbiyo maamulka beelaha hawiye oo ku ab tirsada gobolka banaadir,

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo