Xiisado xoogan oo ka taagan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya

1

Dacdheer ( Sh.M.Network)-Warara ka imaanaya deegaanada dhaca xadka uu Gobolka Galgaduud la wadaago Ismaamulka Soomaalida Ethiopia  ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan  dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo Xiisado colaadeed , xilli deegaanadaasi maalin ka hor ay ka qarxeen dagaallo u dhexeeyay ciidamada Liyu Police iyo dad xoolo dhaqato ah.

Nabadoon Cadceed Sheekh Doon Diiriye oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu Shabelle u sheegay in deegaanadaasi ka tirsan Gobolka Galgaduud islamarkaana dhaca xadka Gobolkaas uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay isku hor fadhiyaan labada dhinac iyadoona mar weliba la filan karo dagaal halkaas ka qarxo.

Dhianca kale Nabadoon Cadceed ayaa sheegay in Boqolaal qof oo ka soo barakacay dagaaladaasi ay ku dhibaateysan yihiin deegaanado ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaaladaas ayaa xoogooda waxa ay ka dhaceen Tuulada Furunt Four iyo Dacdheer ee Gobolka Galgaduud.

Maamula Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay guddi u Magacaabeen guddi Gurmad u fidiya Barakacayaashaasi ka soo cararay dagaalada u dhexeeya Liyu Police iyo Xoolada dhaqatada ku nool xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

La wadaag

1 COMMENT

  1. waa arin laga xumaado in dad soomaali wada ah inta qoomiyado kala sheegtaan islaayaan,

    waxaanna leeyahay war Allah ka cabsada oo isdaaya

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo