Dhuusamareeb ( Sh.M.Network)-Xilli maanta ay ka baaqdeen  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke booqasho isaga iyo wafdi uu hoggaamin lahaa ku tagi rabeen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa arrintaas ka hadlay hoggaanka sare ee Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.

Madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo u muuqday in uu qancinayay boqolaal shacab ah oo isu soo diyaariyay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa daboolka ka qaaday in Ra’iisul Wasaaruhu la soo xariiray una cudur daartay.

Sidaas daraadeed uu safarkiisa dib u dhaca ku yimid laakiin imaan doono Magaalada Dhuusamareeb, dhowr cishana uu joogi doono isagoo ballan qaaday in shacab iyo maamul si diiran ay u soo dhaweyn doonaan Ra’iisul Wasaare Sharmarke.

Hoos ka dhageyso Khudbada Madaxweynaha Gobollada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan:-

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here