Milano ( Sh.M.Network)-Waxaa Caawa Mar kale ku guuleystay Koobka Dhega weyne ee Uefa Champions Leage Kooxda kubada cagta Real Madrid.

Kooxdaan oo ah kooxda ugu  qaadista badan ayaa caawa waxa ay kaga dhigantahay koobkeedii 11aad ee tartankaan.

Iyadoo caawa ka fara marooqsatay  dhigeeda Athletic Madrid oo ay isku Magaalo ka dhisan yihiin.

Kooxda Real ayaa gool kala hormartay kooxda kale ee  Athletic Madrid kaas oo u dhaliyay Sergio Ramos daqiiqadii 15aad hase ahaatee qeybta 2aad ee ciyaarta ayaa la soo barbareey waxaana goolka bar bar dhaca shabaqa ugu hubsaday Athletic Madrid Ciyaaryahankooda Yannick Ferreira-Carrasco daqiiqadii 79aad .

Waxaana ciyaarta oo ku soo idlaatay bar baro 1-1 lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri balse waxba natiijada iskama bedelin 1-1.

Ha yeeshee Rigooro , Rigooro 5-3 ayaa lagu kala baxay   oo guusha ay ku raacday Real Madrid.

Waxaana loo kala dhaliyay sidaan.

Lucas Vazquez

1 – 1

Antoine Griezmann

Marcelo

2 – 2

Gabi

Gareth Bale

3 – 3

Saul Niguez

Sergio Ramos

4 – 3

Juanfran

Cristiano Ronaldo

5 – 3

Sidaasna ciyaartii Finalka UCL waxaa caawa Magaalada Milano kala soo hoyatay oo Hoygeeda Madrid u soo qaadaneysa Real Madrid.

Atletico-Madrid-v-Real-Madrid-Penalties 1-23 2-20 7-2 23-1 34 56 1464467097221944 1464467657485994 1464469822406415 Atletico-Madrid-v-Real-Madrid-1 Atletico-Madrid-v-Real-Madrid-2 Atletico-Madrid-v-Real-Madrid-3

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here