Sawirro: Sare u kac ku yimid Qiimaha Xoolaha Nool la iibiyo Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Iyadoo dhawaanahaan uu sare u kac xoogan ku yimid qiimaha la kala siisto Xoolaha Nool ayaa waxaa maanta Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay booqatay Seeladda Xoolaha lagu kala iibsado.

Ganacsatada ayaa nooga warbixiyay qiimaha Xoolah Nool la kala siisto:-

Waxa ay sheegeen Ganacsatada in 2 Million iyo 600 oo Shling Soomaali ah uu gaaray Neefka Ariga ah, taas oo ay sheegeen in ay ugu wacantahay in xilli Roobaad la guda galay oo aan Miyiga xoolo laga keenin.

Horay xoolaha Nool nool qiimaha u badan ee la kala siisto waxa ay ahayd 1 Million iyo 500 Shiling Soomaali sida ay sheegeen Ganacsatada Xoolaha.

Gaadiidka Xoolaha Nool Miyiga ka keeni jiray ayaa waddooyinka oo Roobabka ay qardajeex ka dhigeenka uga baaqsaday safarada ay xoolahaas ku keeni jireen Magaalada Muqdisho.

Shacabka Muqdisho gaar ahaan qoysaska danyarta ah ayaa waxaa saameyn ku yeeshay sare u kaca qiimaha Xoolahaas la kala siisto.

IMG_0010 IMG_0022 IMG_0034 IMG_0045 IMG_0055 IMG_0065 IMG_0067 IMG_0079 IMG_0084 IMG_0086 IMG_0091 IMG_0102

Sawir Qaade C/risaaq Mohamuud Tuuryare

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo