Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Puntland oo lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Sh M Network)—Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in waqooyga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ay ku Dileen Isuduwihii Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Maamul Goboleedka Puntland.

Mas’uulkan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Faarax ayaa dabley hubeysani waxey ku toogteen Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.

Dableydii falkaasi dilka ahaa geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, sida Dadka Degaanka ay u sheegeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay howlgallo amaanka lagu xaqiijayo iyadoona weli aan la soo sheegin hadii dableydaasi la soo qabtay.

Maalmo ka hor ayee aheyd markii Dabley hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku Dileen Guddoomiyihii Ururka Haweenka ee Gobolka Mudug.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo