Al Shabaab oo weerar Madaafiic ah ka fuliyay Shabeelaha Hoose.

0

Qoryooleey ( Sh. M. Network)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo wareedyo ku sugan deegaankaasi Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle in 3 Askari oo ka tirsanaa Ciidamadaasi la weeraray ay ku dhinteen weerarkaasi Madaafiicda ahaa , tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Weerarka Madaafiicda ah ayaa xoogiisa waxa ay Al Shabaab la Bartilmaamsadeen Xerada Aala Yaasir oo ah saldhiga AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro u badan kuwa Madaafiic ah ku qaadayay Xarumaha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose , waxaan weeraradii ugu badnaa ee Madaafiicda ah ay ka geysteen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo