Dagaal kooxo loo maleynayo in Al Shabaab ay ka tirsan yihiin iyo Ciidamada Kenya ku dhexmaray Mandera

0
CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 100

Mandera ( Sh. M. Network)-Weerar khasaaro geystay ayaa lagu soo waramayaa in Kooxo hubeysan oo loo maleynayo Al Shabaab ay Xalay ku qaadeen Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Weerarkan oo ku bilaawday Qarax ayaa waxaa xigay iska horimaad culus oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Kenya iyo Dagaal yahanno lagu tuhmay Al Shabaab.

Ugu yaraan 1 Ruux ayaa lagu soo waramaya in uu ku dhintay Weerarkii Xalay ka dhacay Magaalada Mandeera ee Dalka Kenya.

Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa aaminsan in Weerarkaasi ay ka dambeeyeen Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa Weeraro ka geysata qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Dhawaan ayey aheyd markii Weerar ay ku dhinteen 6 Ruux ay Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo