Dowladda Turkey-ga oo dib u dayactir ku sameysay Masjidka Arbaca Rukun

0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Masjidkaan ayaa lagu Magacaabaa Arbaca Rukun waana Masjid Qadiimi ah , wuxuuna  kaabiga ku hayaa Xarunta Ofishu Governo ee looga arrimiyo Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo in muddo ah aan wax dib u dayactir ah helin ayaa waxa ay dowladda Turkey-ga ku guuleysatay in ay dib u howlgaliso Masjidkaasi.

Munaasabadda Xariga looga Jarayay waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan sida Guddoomiyaha Gobolka Banaadir , Masha’ikh  uu ka mid yahay Sheekh Cali Dheere , iyo Marti kale oo Muslimiin u kala dhashay dalalka Yemen iyo Turkey ah.

Olgan Bikar oo ah  Safiirka u fadhiya Turkey-ga Soomaaliya ayaa mar  uu Warbaahinta la hadlay waxa uu carabka ku dhuftay in Dayactirka Masjidkaan Arbaca Rukun ay gacan weyn ka geysatay Hay’ad la yiraahdo Isra oo laga leeyahay dalka Turkey-ga isagoo xusay in ay Farxad u tahay 770 sano kadib in Masjidkaan ay dib u dayactir ku sameeyaan is loogu oogo  Salaadda Alle.

Dowladda Turkey ayaa dadaallo Samafal ah ka sameysa gudaha Soomaaliya iyadoo horay dalka uga hir gelisay Adeegyo Waxbarasho, Caafimaad ,Nadaafadda, dib u dayactirka Waddooyinka iyo Dhismooyin ay ka mid yihiin goobo lagu Cibaadeysto taas oo muujineysa wada shaqeynta iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo