Gudddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka oo u Hambalyeeyay Hoggaanka Cusub ee Hir-Shabelle

0

Jowhar ( Sh. M. Network)-Daahitr Amiin Jeesow Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa Hambalyo diiran u diray Masuuliyiintii ku guuleysatay Doorashada maamulka Cusub ee Hir-Shabelle.

Mudane Jeesow ayaa carabka ku adkeeyay in Doorashadaasi ay ahayd mid si Xaq iyo Cadaalad ku saleysan ku soo gaba gabowday.

“ waxaan u Mahad Celinayaa dhammaan kan la doortay iyo kan laga guuleystay maadaama dhamaantood ay ka go’need dhismaha maamulka Hir-Shabelle” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Shalay ayey ahayd markii doorashada Madaxtinimo ee maamulka Hir-Shabelle ay ka dhacday Magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulkaasi Cusub.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo