In ka badan 10 Askari oo lagu Dilay Weerarkii Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose

0

Afgooye (Sh M Network)—Ugu yaraan 13 Ruux ayaa ku dhintay Weerar Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Boolis oo ku yaalla Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Weerarkii ka dhacay Degmada Afgooye ayaa ku bilaawday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee Saldhiga Booliska, waxaana sida la sheegay halkaasi ku dhintay ugu yaraan 10 Askari.

Wararka ayaa sheegaya in Weerarkaasi sidoo kale ay ku dhinteen 3 Ruux oo lagu kala sheegay Taliyihii Ciidamada Booliska ee Degmada Afgooye, Isku-duwihii Wasaarada Maaliyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, Maxamuud Faarax Qooleey iyo Taliye ku xigeenkii Birmadka, Axmed C/qaadir Gorod.

Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab ayaa dab qabadsiiyay Saldhiga Booliska ee Degmada Afgooye, sida Dadka Degaanka ay sheegeen.

Dhinaca kale, Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Dowladda oo gurmad ahaa ayaa Qarax miino waxaa lagula beegsaday Degaanka Xaawo-Cabdi Duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa lagu soo waramayaa in uu ku gubtay mid ka mid ah Gaadiidka Dagaalka oo ay wateen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in uu arkayay Gaari Dagaal oo gubanayay waxuuna intaasi ku daray in Ciidamada ay rasaas xoogan fureen, inkastoo aan weli la soo sheegin khasaaraha ka dhashay.

Ilaa iyo hada majiro hadal rasmo ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku aadan Weerarkii ka dhacay Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo