Cadaado (Sh. M. Network)-Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha maamulka Galmudug oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado kadib markii shalay Magaalada Jowhar uu uga soo qeyb galay Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Saxaafadda War ku siiyay halkaas.

Madaxweyne Guuleed ayaa Hambalyo diiran ugu horreyn u jeediyay Madaxweynaha Cusub ee maamulka Hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale waxa uu baaq u diray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed Ugaas Xasan Ugaas Khaliif si uu u taageero maamulka Cusub ee Hirshablle maadaama uu horay uga gadooday.

Waxaana uu ku tartarsiiyay in maadaama uu yahay mid ka mid ah Dhaqanka Soomaaliyeed kuwa ugu faca weyn uu taageero Midnimada sida uu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

guled-640x360 guled1 guled2 guled3 guled4 guled5 guled6

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here