Musharrax Maxamed Cali Ameeriko oo ka tacsiyeeyay Askartii lagu laayay Afgooye

0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Musharrax Madaxweyne Maxamed Cali Ameeriko ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Askartii iyo Saraakiishii Ciidanka Xooga dalka ka tisrsanaa ee Naftooda ku waayay weerar Galinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose weerarkaas oo Masuuliyaddiisa ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Mr  Maxamed Cali Ameeriko ayaa Alle uga baryay in Naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo  intii ku dhaawacantayna Caafimaad deg deg ah siiyo , isagoona dowladda iyo laamaha Ammaankana ka codsaday in il gooni ah lagu eego Qoysaskii ay ka baxeen Marxuumiintaasi ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Musharrax Maxamed Cali Ameeriko kulan su’aalo ay ku weydiinayeen Ardayda dhigata Jaamacadaha dalka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo qeyb ka ah olilihiisa Doorashada.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo