Puntland: ” Ma dooneyno Nabad Siyaasadeysan oo ka dhaqan gasha Gaalkacyo”.

0

Gaalkacyo ( Sh.M.Network)-Cali Cabdullaahi Warsame Wasiirka Deegaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in marnaba aysan Puntland ogolaan doonin Heshiis siyaasadeysan oo dhexmara iyaga iyo maamulka Galmudug.

Heshiiska ay diidan yihiin ayuu sheegay Wasiirka Deegaanka Puntland in ay garwaden ka yihiin dad uu sheegay in dano gaar ah ay ka leeyihiin, kuwaas oo sida uu tilmaamay ka faa’ideysanaya Isbedelka dalka uu guda galayo.

“ Ma dooneyno Nabad Siyaasadeysan , ma rabno Nabad inta Gaalkacyo lagalantago meelo kale lagu soo gaaro, Nabad lagu aadiyo Daruufaha siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira , waxaan dooneynaa Nabad dhab ah  oo waarta , waxaa dooneynaa Nabad Ehelkeedii ay ka wada hadlaan oo ay wada fariistaan” ayuu yiri Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame.

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa weli laga dareemayaa Radadkii dagaal dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug, walow ay jiraan Waxgarad iyo Culumaa’udiin labada maamul ka soo kala jeeda oo ku howlan xallinta Xiisaddaasi.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo