Qaramada Midoobay oo sheegtay in Muwaadiniin Kenyan ah ay gacanta ugu jiraan Burcadbadeeda

0

New-York ( Sh. M. Network)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa waxuu sheegay in 5 Ruux oo ka soo jeeda Dalka Kenya ay ku jiraan gacanta Burcad Badeed Soomaaliyeed.

Warbixin ka kooban 18 page oo ku saabsan Burcad Badeeda Soomaaliyeed, loona gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in Muwaadiniintaasi u dhashay Dalka Kenya loo heysto madax furasho.

Xoghaye Ban Ki Moon weli ma uusan sheegin magacyada Kenyaanka u afduuban Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

Warbixinta loo gudbiyay Golaha Amaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in Nin Kenyaan ah, una afduubnaa Burcad Badeedaasi la soo daayay Sanadkan 2016-ka.

Kenyaanka la afduubtay qaarkood ayaa lagu waramayaa in ay daawooyin u soo wadeen Dalka Soomaaliya.

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa afduub ahaan ay u heystaan sida la tilmaamay 39 Ruux oo badbaaxyaal ah iyo Doonyahii ay la socdeen.

Ugu dambeyn, warbixinta loo gudbiyay Golaha Amaanka ayaa lagu shaaciyay in sanadihii ugu dambeeyay Maraakiibta iyo Kaluumeysatada shisheeye in ay noqdeen bartilmaameedka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo