Qoyska Madaxweynaha oo ka Jawaabay Warbixintii Shabelle ee kala Fadilaadda Abwaan Sangub iyo Fanaan Cabdi Tahliil

0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa 12-kii bishaan October 2016 baahisay Xaaladda Fanaan Cabdi Tahliil Warsame iyo kala fadilaad Abwaan Maxamuud Ciise Sangub iyo Fanaan Cabdi Tahliil oo wada Xanuunsan lagu sameeyay.

Shabelle ayaa Warbixintaas uga gollahayd sidii garab hiil walaal ah uu isna u heli lahaa Fanaanka Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame sida gurmadka baaxadda leh loogu fidiyay Abwaan Maxamuud Ciise Sangub oo  lala xiriiriyo Hoggaanka talada waddanka haya.

Hadaba waxaa qofkii ugu horreeyay ee ka jawaaba Warbixinta Shabelle ay ka diyaarisay Gurmadka Qoyska Madaxweynaha iyo Saaxiibadiisuba ay u fidiyeen Abwaan Sangub , loogana tallaabay Cabdi Tahliil oo muddo 15 sano Xanuunsanaya waxa ay noqotay Mawada Madaxweyanaha Sahro Cumar Xasan.

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa deeq Lacageed guddoonsiisay Fanaan Cabdi Tahliil oo ay u wakiilatay Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale Dr Xabeeb iyo Maamo Naleey kuwaas oo sheegay in fanaanka ay soo gaarsiiyeen kaalmo lacageed oo u soo wakiilatay Marwada Madaxweynaha, ayna Alle uga baryayaan in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Qoyska Fanaan Cabdi Tahliil Warsame oo ay ugu horreyso Gabadhiisa Xamdi Cabdi Tahliil ayaana ka mahad celisay Deeqdaasi.

Al Fanaan Cabdi Tahliil ayaa la sheegay in cuntada uu iminka ka qaato Faleebada suran islamarkaana xaaladdiisa ay darantahay.

Maadaama Fanaanka uu yahay Fanaan Qaran ayaa weli waxaa la is weydiinayaa in Qaranka Soomaaliya  uu awoodi la’yahay in Daryeel Caafimaad oo dibadda ugu qaado dowladaha ay xiriirka diblumaasiyadeed leeyihiin.

Ama haddii ay buuxin karaan adeegyada Caafimaad  dhaqaatiirta Ajnabiga ah ee ku sugan dalka oo iyagu ku shaqeeya Xarumihii danta guud ay dowladdu soo saarto digreeto daryeel Caafimaad Bilaash ah uga dalbeyso xarumahaasi.

Shabelle kama daaleyso mar weliba in ay soo bandhigto Dhibanayaasha Qaranka Xaqqa ku leh ee xilliga  ay daruufeysan yihiin la illoobay sida fanaan Cabdi Tahliil Warsame.

Waxaana Alle uga Baryey Fanaankaasi Soomaaliyeed in uu siiyo Caafimaad deg deg ah , ugana dhigo jirrada uu mudada la taahayo Dambi dhaaf  .

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo