Shil khasaaro sababay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Sida ay xaqiijinayaan wararka aan ka heleyno deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho Gaari nuuca Xamuulka ah oo ka baxay Wadada uu jiiray dad Rayid ah.

Shilkaasi ayaa waxaa ku Geeriyootay Haweeney , mid kalana waa ay ku dhaawacantay.

Waxaa goobta soo gaaray Guddoomiyaha deegaankaasi Garasbaaleey iyo  Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya  kuwaas oo gacanta ku dhigay Wadihii Gaarigaasi.

Mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa xilliga uu shilku dhacay waxa uu xaqiijiyay dhimashada Haweeney iyo dhaawaca mid kale.

Si kastaba Shilalka ayaa aad  ugu soo noq noqday wadada u dhexeya Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo