Shaqaalaha Nadaafadda Muqdisho: ” Haddii Shaqooyinka DF naloo diiday Hadana Qashin qaadowgii miyaa naloo diidayaa”.

0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Maxamed Axmed Salaad (Maxamed Yare) waa Aabe Soomaaliyeed oo isagoo ka shaqeynaya howlaha Nadaafadda gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Hodon ku naafoobay markii ay Miino ka qaraxday goob ay qashin ka xaaqayeen.

Waxa uu u sheegay Shabelle in iyagoo ka kooban koox dhalin yaro ah ay ka damqadeen Nadaafad xumada iyo wasaqda dhextaal Magaalada mudo 5 sano haatan laga joogo sidaasina ay ku go’aan sadeen in ay si Mutadawacnimo ah ku qabtaan shaqadaasi.

Hase ahaatee, halkii looga Abaalgudi lahaa Howshaa wanaagsan ee ay bilaabeen badalkeeda lagu Abaal dhacay, iyadoo laga doorbiday in shakhsiyaad kale iyo Kambaniyo aan u soo dhibtoon wax dalka ka jira shaqadaasi la siiyo.

Maxamed Axmed Salaad (Maxamed Yare) ayaa sheegay in Shirkad loogu Magac daray ECO oo shalay xariga laga jaray qaabilsana Nadaafada ay tahay shirkad ay lee yihiin Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo  MD Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo Carabka ku adkeeyay in lagu dhisay shirkadaasi lacagtii qaranka Soomaaliya.

Axmed Tahaliil Warsame oo ah Madaxa Shirkada Nadaafada ee Nabaad ayaa sheegay in shaqada ay hayaan ay tahay midii dowladda hoose, isla markaana ay ogolaansho iyo wadashaqeyn kala dhexeyso gudoomiyaha degmada Hodon oo ay ka howlgalaan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in naf iyo maalba ay u hureen sidii bilicda caasimada loo soo celin lahaa, iyagoo Muqdisho ka qaaday dhufeysyo ay wadooyinka iyo xaafadaha dhexdooda ka jeexdeen dhinacyadii ku dirirayay dhowr sano ka hor.

Axmed Tahaliil Warsame ayaa cod dheer ku sheegay in Madaxweyanaha iyo Gudoomiyaha gobolka looga baahan yahay in ay cadaalada ka shaqeeyaan, islamarkaana ay u cadaalad falaan shirkadaha ka shaqeeyay Nadaafada gobolka oo ay shaqooda ka fara marooqsaneyso shirkada ECO.

Waxa uu xusay in Gudoomiyaha Gobolka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay ku heystaan qashinkii ay ka shaqeynayeen, taasina ay sababi karto tiro dhalin yaro shaqa la’aan darbiyada la fadhiyay ay sii siyaadi doonto.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo bilic ahaan soo hagaageysa ayaa waxaa dib u soo laabashada nadaafadeeda loo tiiriyaa shirkadaha xaga nadaafada ee ka shaqeeya degmooyinka gobolkan Banaadir, kuwaas oo shaqo lagu Amaani karo ka qabtay Muqdisho.

Hase ahaatee waxa la isweydiinayo ayaa ah Ma in la taageero Shirkadihii hore ee shaqadaan soo waday ayaa wanaagsan Mise in la taageero dad cusub oo xitaa aan la ogeyn sida ay ula qabsan karaan shaqada Nadaafadeed ee gobolkan?

Waa marag madoonto in shaqooyinkii dalka ee la rabay in ay qabtaan shirkadaha iyo dadka soomaaliyeed gacanta loo galiyay dad aan xaq u laheyn, hadii ay ahaan lahaayeen Ajaanib iyo sokeeye laga mudan yahay shaqadaasi.

Waa kan Madaxweyne Xasan SHeekh Maxamuud oo qiraya 4tii sano ee dalka uu ka talinayay in shaqooyinkii ay Ajnabi gacanta u galeen.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo