War Deg Deg ah: Qarax Xoogan oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Afgooye ( Sh. M. Network)-Qarax aad u xoogan ayaa laga maqlay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ay ka heleyso degmadaasi Afgooye  Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in Qaraxa uu ahaa mid loo adeegsday Gaari Walxaha Qarxo laga soo buuxiyay.

Gaariga ayaa gudaha u galay Saldhig Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin degmadaasi Afgooye.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi  oo goor dhow ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Balse wararka ayaa intaas ku daraya in Rasaas aad u culus laga Maqlayo gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo