Wararkii ugu dambeeyay Khasaraha ka dhashay weerarkii Degmada Afgooye

0

Afgooye ( Sh. M. Network)-Kadib Weerar Xoogan oo Isugu jiray Qaraxyo iyo Dagaal  fool ka ka fool ah oo Shalay Galinkii danbe gudaha Degmada Afgooye ee Shabeelaha  Hoose Ku Dhexmaray Dagaalyano ka tirsan Al Shabaab iyo Ciidanaka Dowladda Soomaaliya ayaa Saakay Wararka aan ka Heleyno Degmadaasi Waxaa ay Sheegayaan In Xaaladda Degmada Afgooye ay dagan tahay.

Waxaana Dhinaca Kale Faafaahin Dheeraad ah ay ka Soo Baxeysaaa Khasaarihii Ka dhashay Dagaalkii Ka dhacay Degmadaasi.

Ilo Wareedyo Madax banaan oo ku Sugan Afgooye ayaa Shabelle u Sheegay in Dagaalkaasi ay Ku geeriyoodeen 15 Askari  oo ay ku jiraan 6 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo ku Dhintay Weerarkii ugu Horeeyey ee ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Saldhig Ku yaalla Degmadaasi iyadoo Dhaawaca Askarta  uu Sii cago cageenayo ku Dhaawad 30 Askari.

Waxaana xusid mudan in Dhaawacyada Askarta Xalay Qaarkood ay ku Baryeen Degmadasi madaama la soo Gaarsiin waayey Magaalada Muqdisho kadib Markii Al Shabaab ay xalay ay Dhaqdhaaqyo Xoogan ay ka wadeen Wadada isku Xirta Afgooye iyo Muqdisho.

Saraakiisha ku geeriyooday weerarkaasi waxaa ka mid ah Taliyihii Ciidanka Asluubta Gobollka Shabeelaha Hoose Gaashaanle Sare Xasan Cilmi Siliko.

Col Axmed Cabdulle Gorood oo ahaa Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Birmadka.

Maxamuud Daahir Farax Qooleey iskuduwihii wasaarada Maaliyada Koonfur Galbeed.

Kabtan Cabdi Xasan Cabdulle Boqol Taliyihii Waxda Heliwaaa.

Cali Cabdi Yuusuf Cali Karadhi iyo Sarkaal Magaciisa Lagu Soo Koobay Cabdi Fitaax Axmed iyadoo Saraakiishani ay Ku dhinteen Weerarkii Ismiidaaminta ahaaa.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Adan Cali Najax oo La Hadlay Shabelle ayaa Sheegay in ay Wadaan Tirakoon islamarkaana hadda aan La Shaacin karin Khasaarooyinka Guud ee Weerarkaasi.

Ibraahim Najax oo la Sii hadlayey Shabelle ayaa Meesha ka Saaray in ay Jirto Dayacaad Dhica Amniga ah ee Maamulkiisa isagoona Shaaca ka qaaday Tilaabo ay ugu Jawabayaan Weerarkii Shalay.

 

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo