Muqdisho ( Sh. M. Network)-Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Xabsiga u taxaabeen Wariye Xamse Maxamed iyo Camero Man Nuur Maxamed oo ka tirsan Telefishinka Caalamiga ah ee Al Jazeera.

Wariyayaashaan ayaa waxaa la xiray kadib markii ay  warbixinno ka soo gudbiyeen weerarkii shalauy Al Shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye.

Lama oga sababta  ka dambeysa Xariga Wariyayaashaasi iyadoona aanu jirin wax war ah oo laamaha ammaanka ay ka soo saareen Xarigooda.

Wariye Xamse Maxamed ayaa Warbixinno iyo Barnaamijyo xiiso leh inta badan ka diyaariya dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here