Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Maamulka Cusub ee Hir-Shabelle ugu baaqday soo dadajinta Aqalka Sare

0

Jowhar ( Sh.M.Network)-Xilli shalay la doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Hir-Shabelle ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxa ay ugu baaqdau in ay dadajiyaan soo Magacaabista Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Hir-Shabelle ka soo galaya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Masuuliyiinta Hir -Shabelle ugu baaqay in Doorka Haweenka aysan ka tagin marka la xulayo Xubnaha Aqalka sare.

“Dowlad goboleedyada kale wali Aqalka sare ma soo dhisin, waxaa fursad u heysataan inaad ka gaarsiisana Aqalka sare oo aad soo dedejisaan, waa in Haweenka qoondadooda laga dhex arko 8 kursi ee aqalka sarena ay labo haween ahaadaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Hadaba Hir-Shabelle ayaa looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Xubnaha Aqalka sare ee maamulkaas ka soo galaya.

Weli maamul Goboleedyada kale ayaa laga sugayaa  iyaguna  Magacyada Xubnaha u matali doono Aqalka Sare  ee Soomaaliya.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo