Xasan Cali Taakow oo sheegay in doorashada Hir-Shabelle la Musuqmaasuqay.

0

Jowhar  ( Sh.M.Network)-Xasan Cali Taakow oo ahaa Musharrax u tartamayay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir –Shabelle ayaa sheegay in Baarlamaanka maamulkaasi ay musuqmaasuqeen Doorashadii shalay dhacday.

Mr Taakow oo Khudbad ka jeedinayay Hoolka Doorashada ay ka dhaceysay ee Magaalada Jowhar ayaa sheegay in isagu aanu wax laaluush ah ku bixinin doorashada uu ugu tartamayay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi islamarkaana uu tijaabinayay damiirka Xildhibaanada Hir-Shabelle.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in fikir aan laaluush la socon uu u soo bandhigay taasina uu ku tijaabinayay in ay Xildhibaanada Hir-Shabelle  ay ugu codeynayaan balse dhigiisa ay codka ugu shubeen.

“ taasi maaha in aan anigu lacag aanan heysan waa tan iyadoo badan balse shilin Laluush isagama bixin” ayuu yiri Xasan Cali Taakow oo shalay looga adkaaday doorashada Madaxweyne ku xigeenka maamulka la Magac baxay Hir-Shabelle.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay gadaal ka riixeysay labada Masuul ee ku kala guuleystay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Hir -Shabelle.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo