Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii Dumaaye ee Koonfurta Gobolka Mudug

0

Dumaaye (Sh M Network)—Dagaal Culus oo u dhaxeeyay maleeshiyaad hubeysan iyo Xarakada Al Shabaab in uu markale ka qarxay  Degaanka Dumaaye ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Sida wararka ay sheegayaan in Tuulooyin iyo guryo ku yaalla Degaanka oo Dad shacab ah ay daganaayeen ayaa dab la qabadsiiyay.

Sidoo kale beero ayaa lagu soo waramayaa in dabkaasi la qabadsiiyay, iyadoona xusid mudan in Dagaalka uu geystay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Mid ka mid ah Hogaanka Maleeshiyaadka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caruur lagu Dilay Dagaalkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Maamulka Galmudug uu balamo been abuur ah ka qaaday Dad Shacabka ah taasi oo ku aadan in Ciidamo loo soo dirayo.

Degaanka Dumaaye oo qiyaas ahaan 50Km u jira Degmada Xarardheere ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay Dagaallo culus, iyadoona Dadka degaanka ay ka soo horjeedaan in lacag iyo xoolo zakawaad ah ay siiyaan Al Shabaab.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo