Askari ka tirsan Ciidamada oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh N Network)—Kooxo hubeysan ayaa Caawa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey ku Dileen Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dilka Askarigan oo ka dhacay Suuqa Beerta Jaadka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay fuliyeen labo Ruux oo  bistoolado ku hubeysnaa.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay dilka Askarigaasi Idaacadda Shabelle, waxuuna intaasi ku daray in dableydii ka dambeysay Dilkaasi ay isaga baxsdeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta gaaray, inkastoo aan la soo sheegin hadii ay gacanta ku soo dhigeen raggi fuliyay dilkaasi.

Inta badan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Dilal qorsheysan oo lagu beegsado Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo