Beelaha Soomaaliland oo sheegay in Kuraastooda uu gacan bidixeynayo Wasiir Maareeye

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Beelaha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa cabasho xoogan ka muujinaya Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Qaar ka mid ah Xubnaha ugu Muhiimsan dadka ka soo jeeda maamulka Soomaaliland oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa soo bandhigay arrimo badan oo ku aadan wax isdaba marin uu ku hayo Wasiir Maareeye doorashooyinka Beelaha  maamulka Soomaaliland ka  soo jeeda.

Waxgaradka Beelaha Waqooyi ayaa sidoo kale cadeeyay in Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu u adeegayo danaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si Xildhibaanada Kuraasta Beelaha Waqooyi ku soo baxaya ay codkooda ugu shubaan .

Maareeye ayaa la sheegay in sidoo kale uu doonayo in si qasab ah mar kale uu ku helo Kursiga Xildhibaan ee beeshiisa xilli beelaha uu ka soo jeedo aysan daneyneynin in uu mar kale u matalo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo ay beelaha uu ka soo jeedo ku eedeeyeen in uu Musuqmaasuqayo Kuraasta ay dowladda Federaalka ku leeyihiin ayaa la soo warinayaa in uu u gacan bidixeynayo Kuraasta Beelaha Soomaaliland Hoggaanka Villa Soomaaliland waxaana uu u sharrax kuraasta labada aqal ee Beelahaasi xuno ay ka mid yihiin Saxafiyiin u shaqeeya Warbaahinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo