Beesha Cabdalla Sacad oo sheegtay in Ergadeeda la Musuqmaasuqay

0

Cadaado ( Sh.M.Network)-Qaar ka mid ah waxgaradka Beesha Cabdalla Sacad ayaa sheegay  in la Musuqmaasuqay Ergadooda uga qeyb galeysay Doorashada Kursiga ay ku leeyihiin Aqalka Hoose.

Waxaana Waxgaradka Cabdalla Sacad shaaca ka qaadeen in falkaas ay ku kaceen Guddiga Doorashooyinka Heer Maamul Goboleed ee Galmudug iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ergooyinka la gacan bidixeeyay ee Beesha Cabdalla Sacad ayaa waxa ay sheegeen waxgaradka beeshaasi in si wanaagsan ay u soo xusheen ayna isku ogyihiin afarta duub ee beeshaasi balse la Musuqmaasuqay.

Si kastaba Madaxweynaha Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka maamulkiisa ayaa la soo warinayaa in ay Musuqmaasuqeen Ergada Beesha Cabdalla Sacad.

Doorashooyinka Galmudug ayaa la tilmaamaa in ay yihiin kuwa ugu Musuqmaasuqa badan doorashooyinka ka soconaya Caasimadaha Maamul Goboleedyada dalka.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo