Booliska Kenya oo Qarax lagula eegtay Magaalada Mandera

0

 

Mandeera (Sh M Network)—Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Kolonyo ay la socdeen Saraakiil iyo Askar ka tirsan Booliska Dowladda Kenya waxaa lagula eegtay Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Kolonyada Ciidamada Kenya ayaa Qaraxan waxaa lagula beegsaday waddada xiriirisa Ceelwaaq iyo Dabacity ee Magaalada Mandeera, iyagoo wehlinaya gaadiid ay la socdeen Dad shacab ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Mandeera, Job Boronjo ayaa waxuu sheegay in Saraakiisha Ciidamada Kenya ay ka badbaadeen Qaraxaasi uu tilmaamay in ay dhulka ku aaseen Al Shabaab.

Taliye Job Boronjo ayaa carabka ku adkeeyay in Kolonyada Ciidamada uu dul-maray Qaraxaasi, waxuuna tilmaamay in Xoogaga Al Shabaab ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah soo qaadaan qaraxa kadib.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Qaraxaasi uusan wax khasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada Kenya ee lala damacsanaa.

Todobaad ka hor, Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday Gaadiid Dagaal oo ay la soceen Ciidamada Kenya oo marayay Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu dambeyn, Xarakada Al Shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan oo dhiig ku daata ka fuliya qeybo ka mid ah Gobolada Waqooyi bari ee Dalka Kenya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo