Booliska Maraykanka oo gacanta ku dhigay rag la sheegay in ay Jir dileen Muwaadin Soomaaliyeed

0

San Diego ( Sh. M. Network)-Ciidamada Booliiska ee dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay Seddex Nin  oo Mareykan ah oo lagu eedeeyay in ay jirdileen Muwaadin Soomaali ah oo ka shaqeynayey Maqaayad ku taala Magaalada San Diego ee Gobolka California

Xeer ilaaliyaha Magaalada San Diego ayaa sheegay in jir dilka loo gaystay ninka Soomaaliga  ah ay  la xiriirtay faquuq xaga midabka iyo diinta ah maadaamaa uu yahay ruux Muslim ah.

Ninka Soomaaliga ah ee la jirdilay ayaa ka shaqeynayey Maqaayad lagu iibiyo Biitsaha  oo ku taala xaafada Redwood ee Magaalada Sandi ego sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Magaaladaasi.

Weerarka jir dilka ah ayaa dhacay axadii la soo dhaafay kadib markii saddexda nin Muwaadinkaasi ka soo jeeda Soomaliya ku weerareen gudaha Maqaayada uu ka shaqeynayey.

Ciidamada Booliska oo markii dambe soo gaaray goobta lagu weeraray ninka Soomaaliga ah ayaa xabsiga u taxaabay Seddexduba oo u dhashay dalka Maraykanka.

Ragga la xiray ayaa lagu wadaa in dhawaan la horkeeno Maxkamad maadaama lagu eedeeyay dembi ka dhan ah aadanaha.

Gudaha dalka Maraykanka ayaa waxaa ku soo badanaya weerarada lagula kaco dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaasi iyadoo dhawaan Booliska Maraykanka ay gacanta ku dhigeen rag Maraykan ah  oo doonayey in ay Qaraxyo ku weeraraan dad Somali ah .

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo