Cabdifitaax Xasan Afrax: ” Cadaaladda ayaan la tiigsanayaa Madaxweynaha Hirshabelle”.

0

Baladweyne ( Sh.M.Network)-Cabdifitaax Xasan Afrax Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Musuqmaasuq xoogan uu hareeyay doorashada ka soconeyso Magaalada Jowhar  ee lagu soo dooranayo Xildhibaanada aqalka Hoose.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle in uu fara gelin ba’an ku hayo doorashadaasi Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka soconeysa Magaalada Jowhar.

“ waxaan la tiigsan doonaa Cadaaladda Madaxweynaha Hirshabelle” ayuu yiri Cabdifitraax Xasan Afrax Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn ayuu shaaca ka qaaday Cabdifitaax Xasan Afrax in uu awood u adeegsanayo doorashadaasi Aqalka Hoose isagoo hoosta ka xariiqay in xubnaha la Musuqmaasuqay uu isagu ku jiro.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo