China oo inkabadan 1 Million dollar ugu deeqday AMISOM

0

Beijing ( Sh.M.Network)- Dowladda China ayaa shaaca ka qaaday in $1.2 malyan oo doolar ay ugu deeqday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee lagu nabadeynayo Dalka Soomaaliya.

Madaxa Amniga iyo Nabdda ee Midowga Afrika, Smail Chergui ayaa bartiisa Twitter-ka kaga dhawaaqay in lacagtaasi ay heli doonaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dowladda China ayaa dooneysa in lacagtaasi malaayiinka doolar ah ay uga qeyb qaadato xasilinta Dalka Soomaaliya, maadama Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay Dagaal Xoogan kula jiraa Xarakada Al Shabaab.

Dhaqaalahan loogu yaboohay howlgalka AMISOM ayaa ujeedkiisa lagu tilmaamay sidii Ciidamada Nabad Ilaalada ay u wiiqi la haayeen Dagaal yahanada Al Shabaab.

Sikastaba, Xoogaga Al Shabaab ayaa weli ku xoogan qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, halkasi oo la aaminsan yahay in ay ka soo qaadaan weerarada qaarkood.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo