Doorashadii ugu Musuqmaasuqa Badneed oo maanta ka dhacday Muqdisho

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay doorashooyinka aqalka Hoose ee ka soconaya qeybo kala duwan oo dalka ah middii ugu Musuqmaasuqa badneed.

Musuqmaasuqaan ayaa yimid kadib markii Mahad Cabdalle Cawad Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka  doorasho ku aadan kursiga beeshiisa loogu dhex qariyay Beelaha Banaadiriga.

Muqdisho ayaa loo madlanaa maanta in ay ka dhacdo doorashooyinka Aqalka Hoose ee Kuraasta Beelaha Banaadiriga balse Beelaha direed oo heyb ahaan uu ka soo jeedo Mahad Cabdalla Cawad oo kuraastooda ay kaga soo galayeen maamullo Puntland iyo Galmudug ay ka mid yihiin uu   kalsooni darri ka soo food saartay in uusan maamuladaas ka soo bixi Karin aawgeed waxa ay ku qasabatay Mahad Cabdalla Cawad in doorasho u muuqatay mid Maqaar saar ah uu uga qeyb galo Muqdisho isagoo helay Codad dhan 50 cod.

Taasi ayaa sidoo kale dad badan u  muujisay in Ergada dooratay qudhoodu yihiin kuwa uu isagu soo dhoodhoobtay.

Hadaba arrintaan Musuqmaasuqa ah ayaa waxaa goob joog ahaa Guddiga Doorashooyinka ee loo baahnaa in ay ka shaqeeyaan Hufnaantada doorashooyinka.

Tani waa fadeexadda ugu weyn ee ay wajaheyso doorashooyinka ka soconaya gudaha dalka Soomaaliya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo