Gaari dad shacab ah la socdeen oo lagu rasaaseeyay Xadka Soomaaliya iyo Kenya

0

Mandera ( Sh.M.Network)-Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso deegaanka Libooya oo dhaca Xadka kala qeybiya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in Gaari ay la socdeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay deegaankaasi.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ka yimid deegaan dhaca Gobolka Jubbada Hoose kuna sii jeeday Dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa ka shakiyay  Gaarigaasi , iyagoona Rasaas ooda kaga qaaday , inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku dhaawacantay Rasaasta Ciidamada Kenya ku fureen Gaarigaasi.

Waxaana gebi ahaan basbeelay Gaariga sida dadka deegaanku u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Kenya ayaa sheega in ay ka feejigan yihin weeraro kaga yimaada dhanka Dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo