Gadiidleyda oo shaqo joojin cabasho ah ka sameeyay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh M Network)—Waxaa Saaka hakad ku jira isku socodka ee qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib markii Gaadiidleyda ay ku dhawaaqeen in ay sameeyeen shaqo joojin.

Gaadiidleydan ayaa ka cabanaya lacago sharci darro ay ku tilmaameen oo ay ka qaadeyso Shirkada Caymiska ee TAKAFUL.

Boqolaal Ruux oo ka mid ah Gaadiidleyda ayaa sida la tilmaamay isugu soo baxay nawaaxiga Seybiyaano, si ay uga banaanbaxaan lacagaha sida sharci darrad ah looga qaado, balse Ciidamada Dowladda ayaa is-hortaag ku sameeyay banaanbaxaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Iskaashatooyinka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyinka ay kala kulmayaan shirkada Ceymiska ee TAKAFULL.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Iskaashatooyinka waxuu xusay in shirkadan ay adeegsaneyso awooda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxuu qeexay in Shirkadan 3-dii billoodba ay halmar ka qaado Gaadiidka lacag dhan $60, taasi oo uu ku sheegay in aysan awoodin Gaadiidleyda.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in Shirkadan oo adeegsaneysa Booliska Waddooyinka ay Shalay wateen ilaa iyo 70 Gaari oo hoomey /B’el ah, iyo 45 Mooto Bajaaj, si looga qaado lacagahaasi.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan cabshada Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho ay ka muujinayaan Shirkada TAKAFULL.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo