Hanti dhowraha Qaranka oo sheegay in Shirkadda Sahal ay baad ka qaado Shacabka Soomaaliyeed.

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Dr Nuur Faarax Jimcaale Hanti Dhowraha  Guud ee Qaranka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay Shirkado aan sharciyeesneen oo dadka shacabka ah baad ka qaada iyagoo taageero ka helaya Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa waxa uu soo hadal qaaday Shirkadda Sahal oo iyadu Isbaaro dadban ay u taallo inta u dhexeyso Garoonka Aadan Cade iyo Km4 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Hanti dhowrku shaaca ka qaaday in shirkadaasi ay Baad Cad  ka qaado Shacabka Soomaaliyeed ee ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Hanti dhowrka ayaa cadeeyay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu siiyay shirkadaasi Sahal dhulal ku yaalla Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde, dhulalkaas oo dadkii laga barakiciyay loo sheegay in dan guud loo isticmaalayo.

Si kastaba Shirkadda Sahal ayaa haatan waxaa qaata ka taagan Shacabka Soomaaliyeed ee ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo