Howlgallo ballaaran oo laga sameeyay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh M Network)—Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgallo ballaaran waxaa Xalay ay ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Howlgalladan oo ahaa kuwa amaanka Magaalada Muqdisho lagu xaqiinayay ayaa waxaa xoogooda laga sameeyay Degmooyinka Dayniile, Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda Amniga gudaha Cabdikaamil Macallin Shukri oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in howlgallada lagu bartilmaameedsay guri lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin Xuno ka tirsan Al Shabaab.

Weli lama cayimin tirada guud ee lagu qab qabtay baaritaanadaasi.

Howlgalladan ayaa imaanaya maalmo un kadib markii Qarax xoogan uu in ka badan 20 Ruux ku Dilay Suuqa Beerta ee Degmada Wabari ee Magaalada Muqdisho.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo