Iska-horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh M Networ)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska horimaad Ciidmo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan ayaa ka dhacay galbeedka Xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile, waxaana Dagaalka uu salka ku hayaa murun la xiriir dhulal goof ah oo ku yaalla Degmadaasi.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in iska horimaadkaasi ay ku dhaawacmeen 3 Ruux oo Shacab ah.

Xaalada Degmada ayaa lagu soo waramayaa in caawa ay kacsan tahay maadaama labada dhinac ay weli iska hor-fadhiyaan halkaasi.

Maamulka Degmada Dayniile weli wax hadal ah kama soo saarin Dagaalka la sheegay in uu ka dhacay Degmadaasi.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo