Kooxda Daacish oo sheegatay Weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Ohio

0

Muqdisho (Sh M Network)— Kooxda Daacish ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa sheegtay mas’uuliyada Weerar muwaadin Soomaaliyeed uu ku qaaday Jaamacadda Ohio oo ku taalla Magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka.

Weerarkaasi oo loo adeegsaday Gaari iyo mindi ayaa waxaa lagu dhaawacay ugu yaraan 8 Ruux, iyadoona Ciidamada amaanka ay toogasho ku dileen C/risaaq Cali Cartan oo ka dambeeyay weerarkaasi.

Qoraal ka soo baxay Ururkan ayaa lagu xusay in kaligii duulka weerarkaasi fuliyay uu ka mid ahaa Xoogaga Kooxda Daacish.

C/risaaq Cali Cartan ayaa ka mid ahaa Soomaalida ku dhaqan Dalkaasi Mareykanka.

Dhinac kale, Weerarkii lagu qaaday Jaaamacada Ohio ayaa waxaa si kulul u cambeereeyay Soomalida ku nool Dalka Mareykanka.

Soomaalidan ayaa ku tilmaamay weerarkii C/risaaq Cartan mid aan sal ku la heyn Diinta Islaamka.

Sikastaba, weerarkan ayaa waxuu imaanayaa xili dhawaan Madaxweynaha la doortay ee Dalkaasi Mareykanka, Donald Trump uu sheegay in Qaxootiga ku nool Mareykanka ay dib ugu celin doonaan dalalkooda.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo