Ku dhawaad 10 Ruux oo lagu Dilay Weerar lagu qaaday Jaamacadda Ohio +SAWIRO

0

Columbus (Sh M Network)—Ugu yaraan 8 Ruux ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac soo gaaray kadib markii Nin hubeysan oo asal ahaan ka soo jeeda Dalka Soomaaliya uu weerar ku qaaday Jaamacadda Ohio ee Magaalada Columbus.

Saraakiisha amaanka ee Dalka Mareyknka ayaaa ku sheegay in Ninkii weerarkaasi fuliyay uu ahaa Soomaali-Mareykan lagu C/risaaq Cali Cartan.

20161128636159541032560272cyyb3mxucaap6mh
Waa Sawirka C/risaaq Cartan oo lagu eedeynayo weerarkii Jamaacadda

Macalin Jabriil Aw-Cali oo bare ka ah Jaamacadda Ohio State University ayaa waxuu sheegay in dhibanayaasha qaarkood lagu dhaawacay gaari la jiirsiiyay iyo weliba toorey.

Macalin Aw-Cali ayaa intaasi waxuu ku daray in Ciidamada amaanka ay toogsho ku Dileen Ninkii ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Ohio.

Weli lama shaacin sababta keentay in Nin Soomaali ah uu weerar ku qaado Jaamacadda Ohio.

Madaxweynaha la daartay ee Dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa tiro dhowr jeer waxuu ku hanjabay in Soomaalida ku sugan Dalka Mareykanka uu dib ugu celin doono Dalkooda hooyo.

7dcbefa7ae4a4399acc989cd523ba1ce_18 20161128636159541032560272cyyb3mxucaap6mh b5e128cbdab546c989ca27adcaf85986_18 ohio

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo