Labo Ruux oo isku mindiyeeyay Magaalada Baardheere

0

Baardheere (Sh M Network)—Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in labo qofood ay tooreey isku dileen Tuulo qiyaastii u jirta Magaalada Baardheere 15km.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Nin iyo Haweyney ay tooreey isku dileen Tuulo la yiraahdo Afyar oo ku dhaw degmada Baardheere.

Labada qof ee tooreyda isku dilay ayaa la sheegay in uu soo kala dhexgalay muran xaga dhul beereedka ah sida deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Amaanka degmada Baardheere ayaa la sheegay in ay ku baxeen Tuulada uu dilku ka dhacay, waxana ay wadaan baaritaan ku aadan falkan dhacay.

Dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa laga soo sheegaa dhulka miyiga ah ee ay dagaan dadka Soomaalida, waxana taasi mararka qaar ay abuurtaa colaad sii socon karta.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo