Muqdisho (Sh M Network)—Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda Dowladda ku eedeeyay in ay wadaan musuq maasuq iyo kharash ku bixinta doorashada la filayo in ay ka dhacdo Dalka Soomaaliya.

Mudane Cabdi Barre Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in ay jiraan dhalinyaro ay wataan Madaxda Dalka, kuwsi oo la doonayo in Xildhibaano laga dhigo kadibna codadkooda ay helaan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale dhalillay ergado loo soo xulay in ay doortaan Xildhibaanada baarlamaanka cusub, isagoona ka dhawaajiyay in ay iibsanayaan codadkooda.

Mr. Cabdi Barre ayaa carabka ku adkeeyay in aysan wax wanaagsan aheyn in Ergada ay lacag ku doortaan Xildhibaanada cusub.

Hadalkan ayaa waxuu ku soo aadayaa xili madaxda Sare ee Dalka lagu eedeynayo in lacago badan ay ku bixinayaan doorashada dalka Soomaaliya.

1 COMMENT

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here