Maxamed Axmed Abtidoon oo ku soo baxay doorashada Aqalka Hoose +SAWIRO

0

Muqdisho (Sh M Network)—Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Cadaado waxaa maanta kursiga 29-aad ee Golaha Baarlamanka Xubnaha ay ku yeelanayaan Maamulka Galmudug lagu doortay Magaaladaasi, kadib markii Kursigaasi ay ku tartameen dhowr musharax.

Doorashada oo u dhacday hab codeyn ah oo ay u cadeeyeen ergooyinkii ku sugnaa Xarunta doorashada ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo ka mid noqday baarlamaanka cusub ee Dalka.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo warbaahinta la hadlay ayaa waxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida ay u dhacday doorashada, isagoona u mahadceliyay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Guddiga Doorashooyinka Dadban iyo Maamulka Galmudug uu  sheegay in kaalin muhiim ay ka qaateen habka wanagsan ee doorashada ay u dhacday.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon ayaa cambaareeyay colaado uu tilmaamay in ay ka taagan yihiin Degaano ka tirsan Gobolka Mudug oo ay ka mid tahay Degmada Xarardheere.

Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka socda inta badan Magaalooyinka Dowlad Goboleedyada Dalka.

_t6a1808 _t6a1809 at6a1733 at6a1747

at6a1971 at6a1972 at6a1973

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo