Midowga Yurub oo sii wadaya howlagllada ka dhanka ah Burcad Badeeda Somalia

0

Brussesls (Sh M Network)—Midowga Yurub ayaa ayaa shaaca ka qaaday labo sano oo dheeraad ah ay ugu dareen ciidamadooda ku sugan Xeebaha Soomaaliya, si ay kaga hortaggaan weerarada Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

Ururka Midowga Yurub ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in khatarta Burcad Badeed ay weli jirto, maadaama Ururka ay tilmaameen in bishii la soo dhaafay ay Kooxda soo qaadeen labo Weerar.

Qoraal ka soo baxay Ururkan ayaa lagu xusay in qorshaha uu ahaa in hawlgalka Atlanta ee Xeebaha Soomaaliya la soo afjaro sanadkan 2016-ka, balse labo sano dheeraad ah oo lagu daray.

Maraakiibta shisheeye, ee isticmaala biyaha Soomaaliya ayaa mararka qaarkood weeraro kala kulma Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed, inkastoo Hay’addaha la socodka Biyaha Caalamka ay sheegayaan in dib u dhac xoogan uu ku yimid Kooxaha Burcad Badeeda.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo